2024-11-21

DOORKA ARDAYDA EE KA QAYB GALKA OLOLAHA LA DAGAALLANKA GUDNIINKA HABLAHA

Goynta xubinta taranka dumarka/ Gudniinka Hablahu waa ku xad gudub xuquuqul insaan iyo sharci darro ay falaan bulshooyin badan oo caalamka ah. 

In kasta oo dadaallo badan la sameeyay si loo joojiyo gudniinka hablaha, hadana ololeyaasha lidka ku ah Gudniinka Habluhu mar walba ma guulaystaan. 

Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee arrintan ayaa ah in gabdhaha da'da yar aanay mararka qaarkood u fiirsan oo aanay ku baraaruganayn ololahan sababtoo ah intooda badani waxay ku foogan yihiin arrimaha kale ee khuseeya nolol maalmeedkooda sida waxbarshada iyo caawinta iyo u adeegida qoyskooda. 

Goynta xubinta taranka dumarka ayaa ah dhaqan qalafsan oo had iyo jeer ka dhex dhaca bulshada Somaliyeed gaar ahaan bulshada Somaliland. Sida ay xuseen warbixinada ku saabsan gudniinka gandhuhu, noocyada gudniin ee bulshadeenu isticmaashaa waa nooca labaad iyo nooca saddexaad ee loo yaqaano “Fircooni iyo Suni”

Hadaba, Si da’yartu u fahanto dhibaatooyinka gudniinka iyo olalaha lagula dagaalamayo gudniinka gabdhahu dugsiyada iyo kulliyadaha waxaa lagu dhiirigelinayaa inay ardayda baraan oo manhajkooda waxbarsho lagu baro aqoon ku saabsan dhibaatooyinka iyo cawaaqib xumada ka dhalata Gudniinka Hablaha si ay u fahmaan xuquuqdooda, aqoonna ugu yeeshaan sida gudniinku u saameeyo jidh ahaan iyo maskax ahaan. 

Dadaalada loogu jiro joojinta gudniinka gabdhuhu waa inay qayb ka noqdaan macalimiintu , sidoo kale waalidiinta ayaa loo baahan yahay inay door laxaad leh ka ciyaaraan taasi oo suurta galinaysa in hablo badani ay ku baraarugaan fahmaana xaqa ay u leeyihiin inay diidi karaan in lagu sameeyo dhibaatada gudniinka. 

Dad badan oo dhalinyaro ah oo ka shaqeeya arrimaha bulshada ayaa kaalin weyn ka qaadan kara arrintan inta ay ku guda jiraan ololaha iyo u doodista Gudniinka hablaha, maadaa bulshadeenu tahay bulsho wada nool oo qoysba qoyska kale ee la degaan ah uu ka war qabo inta gabdhood ee yaryar ee joogta waa inay wacyigelinta gudiinka ay wadaagaan oo lagala taliyo hooyooyinka aan ku baraarugsanayn dhibaatadan inay uga digaan kulana taliyaan in hooya kastaba inanteeda ay u doorto mustaqbal wanaagsan.

Share:

Other Articles